”Zidane waxaa garsooraha kusoo jeediyay Wiltord” – Willy Sagnol oo xagal cusub ka galay hertidii Zidane ee Materazzi!!

(Paris) 09 Jannaayo 2018 – Laacibkii hore ee xulka France jaalle Willy Sagnol ayaa Sylvain Wiltord ku eedeeyay inuu yahay ninka dareenka kusoo jeediyay Zinedine Zidane ciyaarta final-ka KA2006 oo caan ku ah hertidii uu Zidane xabadka yMarco Materazzi.

Shilkan ayaa yimid waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaartaasi oo soo afjartay waayihii ciyaareed ee Zidane oo ciyaartaasi rooso qallalan ka qaatay, taasoo ay xulka Azzurri rigoore kaga qaadeen Faransiiska, waxaana wixii dhacay haatan qayb ka mid ah sharraxaya Sagnol.

“Haddii aanu Wiltord kubadda dibedda u laadi lahayn, ilama aha inuu garsooruhu ciyaarta joojin lahaa, oo uu hubin lahaa wixii dhacay,” ayuu yiri Sagnol oo la hadlayay SFR Sport 1.

Wiltord ayaa sida la xusuusto kubadda dibedda u laaday isagoo deeto garsoorihii ciyaarta u tilmaamay shilka dhacay oo uusan u jeedin, waxaana markaa dhulka yaalley Materazzi halka ay laacibiinta Talyaanigu la murmayeen Zidane.

Muuqaalka ku celiska ah ayay dadku ka arkeen Zizou oo xabadka ka hertinaya daafaca, waxaana go’aankii roosaha lagu laqsiiyay lagala tashaday xeer ilaaliyaha 4-aad.

Ilaa maanta, waxay xulka Faransiisku ku adkaysanayaan in xeer ilaaliyaha 4-aad uu khaladka dhacay ka arkay oo qura muuqaallada ku celiska ah ee shaashadihii ciyaarta laga daawanayay.

*** THE DECADE IN PICTURES *** A photo taken 09 July 2006 shows French midfielder Zinedine Zidane (L) gesturing after head-butting Italian defender Marco Materazzi during the World Cup 2006 final football match between Italy and France at Berlin’s Olympic Stadium.  AFP PHOTO  JOHN MACDOUGALL (Photo credit should read JOHN MACDOUGALL/AFP/Getty Images) ORG XMIT: DECADE-F

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close