Zidane oo ku baaqay shaqo adag

15155029616503

(Madrid) 09 Jan 2017. Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane waxa uu sheegay in aysan jirin cid gaar ah oo ka mid ciyaaryahanadiisa oo uu eedeenayo,

Los Blancos ma ahayn muddooyinkan bandhigyadooda kuwo lagu qanco waxa ayna in badan fallanqeeyeyaashu qabaan in ay ka hartay loolankii La Liga.

“Mar walba oo ay wax xumaadaan, ma ahi shaqsi laba ama saddex ciyaaryahnada eedaya,” ayuu Zidane u sheegay wariyeyaasha.

“Waanu u dhannahay.

“Dhammaan masuul ayaan nahay kow aniga tababare ahaan.

“Yeyaan ilaawin laba sano oo wanaagsan ayaan na soo maray.

“Kuma noolin wixii tagay laakiin sidoo kale yeynaan tuurin wixii dhacay.

“Ma jirin doonto wax aan u waalanno.

“Dad badan ayaa dhihi kara wax walba wey lumen, laakiin anigu dhihi maayo.

“Shaqo adag oo aan qabo wax walba wey imaanayaan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close