Shaqsi ka tirsan qoyska Riyad Mahrez oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Liverpool

Image result for Mahrez Liverpool

(Leicester) 09 Jan 2018 Maalmihii la soo dhaafay waxaa xanta suuqa kala iibsiga qabsaday warar Liverpool la xiriirinaya Riyad Mahrez.

Balse shaqsi ka tirsan qoyska Riyad Mahrez ayaa beeniyay dhamaan wararkii la faafiyay maalmihii u danbeeyay.

Mahrez Liv

Shaqsigaan oo la hadlay Mundo Deportivo ayaa sheegay inuusan jirin dalab Riyad Mahrez uu ka helay Liverpool.

“Inbadan ayaan aqriyay wararka sheegaya in Riyad Mahrez uu ku biirayo Liverpool, laakiin xaqiiqdii waxba kama ogin arinkaas, ma jiro xiriir rasmi ah oo uga yimid Liverpool” ayuu yiri.

“Waa ay iga yaabiyeen sidii loo soo shaac bixiyay been abuurka sheegaya in Mahrez uu heshiis la gaaray Liverpool”.

“Ma uusan joogin ingiriiska, wuxuu fasax kooban ku aaday Dubai si uu u soo nasto, ma uusan awoodin inuu saxiix sameeyo, mana uusan ka warqabin xitaa wax xiriir la leh kubadda cagta”.

Wuxuu intaa ku daray in Leicester ay kula heshiisay Mahrez inay fasaxayso haddii ay hesho lacagta ay doonayso, wuxuuna cadeeyay in haddiiba uu baxayo ay noqon doonto dhamaadka suuqa, maadama wadahadaladu ay qaadan doonaan waqti badan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close