Maxaad ka ogtahay Qisada Jaceyl ee Coutinho iyo Aine….(Lamaanaha Cusub ee Barcelona)

GOOLFM001

(Europe) 09 Jan 2018. Lamaanaha Cusub ee Barcelona Coutinho iyo xaaskiisa Aine ayaa Taariikdhooda Jaceyl ay noqotay mid durba laga dhex tilmaamo Nou Camp.

Ku dhawaad talaabo kasta oo ka mid ah waayihiisa ciyaareed, laga soo bilaabo Vasco da Gama, Inter Milan ilaa Liverpool Mucaashqiinta ayaa wada jiray oo marna kala tagin.

La Yaab malaha oo Coutinho wuxuu u muuqdaa inuu Jaceylkiisa u helay bar-dhammaadkii ku haboonaa oo waxaa Nou Camp la joogta xarfaan kale oo Jaceylka ka dambeysa.

Lionel Messi ayaa guursaday Jaceylkiisii yaraanta Antonella Roccuzzo, xaflad ka dhacday dhalkooda hooyo ee Argentina xagaagii la soo dhaafay.

Saaxiibkii hore ee Luis Suarez ayaa isna u soo dul qaatay xiriir Jaceyl uu waqti dheer la soo jilayay saaxiibtii Sofi markii uu waayihiisa ciyaareed ka bilaabayay naadiga Nacional.

Waxay wada jireen 15-sano, Sofia ayaa xitaa ammaan ku leh inay dhaliyaha reer Uruguay ku dhiiro galiysay inuu noqdo laacibka uu maanta yahay.

Haddaba waxaa iminka Barcelona laga helay Jaceyl da’yar, Philippe Coutinho oo 25-jir ah iyo Aine oo 24-jir ah.

c1

Lamaanaha ayaa kulmay 2007, kolkaa uu Coutinho ahaa 14-jir waxayna iskula soo koreen caasimadda Brazil ee Rio de Janeiro.

Shaqsi saaxiib la ahaa labadooda ayaa xaflad isku baray waxayna bilaabeen inay wada haasaawaan isla markaana iskula noolaadaan isla guriga Coutinho hooyadii Esmerelda iyo aabihii Jose.

Aine ayaa la safartay jaceylkeeda iyadoo daawaaneysa kulan kasta.

Coutinho ayaa ku biiray Internazionale 2008 ka hor inta uusan ku soo laaban Vaso de Gama labo xilli ciyaareed.

Yeelkeede waxaa la aaminsan yahay in markii uu Philippe uu dib ugu soo laabtay Talyaaniga 2010 ay Aine joojisay waxbarashadeeda isaga ayayna raacday.

Waxaa kaloo la aaminsan yahay in waqti yar la kala geeyay Mucaashaqiinta markii uu amaahda ugu biiray Espanyol 2012, laakiin intaa kaddib isla sanadkaa ayuu guursaday.

c

Markii uu Philippe u saxiixay Liverpool 2013 waxay u wada guureen Ingiriiska.

Intaa kaddib waxaa miro dhalay Jaceylkooda waqtiga dheer oo waxay isku dhaleen Gabar iyo Wiil oo loo kala bixiyay Maria iyo Philippe Junior.

Xiddiga reer Brazil ayaa muujiyay daacadnimada uu u hayo kuwa uu Jecel yahay isagoo gacantiisa Bidix ku sawirtay xaaskiisa Aine, Hooyadii, Aabihii iyo labadiisa walaalo.

Coutinho oo ka sheekeynaya halka uu ka soo bilowday safarka Jaceylkiisa ayaa yiri:

“Aine qeyb wayn ayay ka ciyaartay wax kasta aan sameeyo, waxba ma aynaan wada baran, dhabtii ma aynaan lahayn saaxiibo isku mid ah marka laga reebo hal mid, kaa oo Xaflad qabay waana wada aadnay. Halkaa ayaan ku kulanay waxaana waqti dheer ku wada qaadanay wada hadal.

c2

“Waxay i waydiisatay inaan noqdo saaxiibkeed, iminkana waan wada jirnaa.

“Waxaan ahayn isku xaafad, waxaana bilownay inaan in badan is aragno, aan meelaha wada aadno, jaceylkeena ayaana sii qoto dheeraaday siina xoogsaday.”.

Coutinho ayaa goolkasta oo uu iminka dhaliyo u hibeeya Jaceylkiisa Aine, isagoo Shumis/Dhunkasho u dira dhanka ay garoonka ka joogto.

Nou Camp ayaan iminka ka fileynaa waxyaabo badan oo ceynkaa oo kale ah, Aine oo fadhiga sare ka dhoola caddeynaysa marka uu duqeeda goolka dhaliyo isla markaana Kal gaceylka u muujiyo.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close