Manchester City oo Heshiis Shaqsi ahaaneed la gaartay Alexis Sanchez

sn

(Manchester) 09 Jan 2018. Manchester City ayaa la warinayaa inay Heshiis shaqsi ahaaneed la gaartay weeraryahanka Arsenal ee Alexis Sanchez.

29-jirka reer Chile ayaa qarka u fuulay inuu 60 milyan ugu soo dhaqaaqo Etihad Stadium suuqii xagaaga balse heshiiska ayaa bur buray maadaama ay Gunners la soo wareegi waysay badelkiisa.

Sanchez ayaa qandaraaskiisu dhici doona dhammaadka xilli ciyaaareedka 2017/18, taa oo la micno ah in Arsenal ay khatar ugu jirto inuu bilaash kaga tago.

Sawirka la xidhiidha

Gianluca Di Marzio ayaa sheeganeysa in kooxda Pep Guardiola ay heshiis shaqsi ahaaneed la gaartay xiddiga baxsadka ka ah Gunners iyagoona kula heshiiyay inay jeebka ugu shubi doonaan sanadkiiba 11.5 milyan oo bound.

Sidoo kale City ayaa siin doonta lacago Bareemiyo ah oo dhan 26.5-milyan marka uu si rasmi ah kooxda ugu saxiixo

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close