Laacib ka tirsan Real Madrid oo bixinaya hal milyan si uu uga badbaado in XABSI la dhigo

Image result for Modric, Ronaldo Ramos

(Madrid) 09 Jan 2018 Laacibka qadka dhexe ee Real Madrid iyo xulka Croatia ee Luka Modric ayaa bixinaya lacag si uu uga badbaado in la dhigo xabsiga.

32 jirkaan reer Croatia ayaa loo haystaa inuu la dhuuntay canshuur intii u dhexeysay 2013 ilaa 2014 oo uusan wada bixin canshuurtii laga doonayay.

Image result for Luka Modric

Munod Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Luka Modric uu go’aansaday inuu bixiyo lacag dhan hal milyan oo euro si uu uga bad baado in la dhigo xabsiga.

Inkasta oo laacibku uusan ku waafaqin isla markaana uusan dusha saaran eedeynta wasaarada maaliyada ayuu hadana go’aansaday inuusan wax dood ah galin.

Luka Modric ayaana diyaar u ah bixinta lacagta ay sheegatay wasaarada maaliyada gaar ahaan qaybta canshuuraadka taas oo ah hal milyan oo euro.

Ma ahan kaliya Luka Modric, ee waaxda canshuuraadka Spain ayaa sanadihii u danbeeyay daba dhigatay ciyaartoyda ka ciyaara La Liga gaar ahaan kuwa Real Madrid iyo Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close