Kooxda SSC Napoli oo wada xaajood la furtay Gerard Deulofeu & laacibka oo door bidaya Inter Milan

(Napoli) 09 Jannaayo 2018 – Kooxda SSC Napoli ayaa xiriir toos ah la samaysay kooxda Barcelona oo ay uga geed fariisatay laacibka Gerard Deulofeu, sida uu sheegayo Sky Sport Italia, balse laacibku wuxuu door bidayaa Inter.

Garab-weerarkan ayaa dheeraad ku ah baahida Camp Nou kaddib markii ay Blaugrana ay €160m ku kharaj garaysay Philippe Coutinho.

Warsidaha Spanish-ka ah ee Sport ayaa qoraya in Deulofeu uu door bidayo Inter, balse Barcelona ayaa usii janjeersanaysa dhanka Napoli, maxaa wacay waxay doonaysaa inay laacibka wada iibiso, halkii ay ku bixin lahayd amaah ay la socoto fursad iibsi.

Hilinka Sky Sport Italia ayaa sheegaya in Napoli ay Barca u bandhigtay dalab rasmi ah oo ku kacaya €15-20m, si ay u helaan laacibkan oo waaya arag ku ah Serie A kaddib 6 bilood oo uu usoo dheeley AC Milan.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close