Inter oo caqabad kala kulmeysa soo qaadashada Ramires

ramires

(Milan) 09 Jan 2017. Inter Milan waxa ay sida la warinayo shiddo kala kulmeysaa saxiixa Ramires maadama Walter Sabatini uu ku qancin waayey Suning Group in bisha Janaayo suuqa galaan.

Nerrazurri waxaa waajib ku ah in ay u hoggaansanto xeerka dhaqaalaha xadida (Financial Flair Play) balse agaasimehooda farsamada kama dhaadhicin milkiileyaasha kooxda in ay maalgaliyaan dhinaca Luciano Spalletti   .

Hase ahaatee, FCInterNews waxa ay sheegtay in milkiileyaasha ay ku adkeysteen kaliya amaah ama in wax la iibiyo uun la doorbidi doono kahor bisha June 30-keeda oo uu ka dhamaanayo FIFA Financial Fair Play.

Kooxda kaliya dhaqaale ay ka hesho xiddigo ay iibiso ay suuqa ku gali kartaa waxaana suuratgal ah in ay noqdaan Joao Mario iyo  Marcelo Brozovic.

Waxaa la filayey in Ramires ka yimaado Jiangsu Suning oo ay Inter hal qolo wada leeyihiin balse Sunung uma baana in uu diro Brazilian-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close