DAAWO: Xiddigihii hore ee AC Milan oo muuqaal wada jir ah ugu hambalyeeyay Gattuso

(Milano) 09 Jannaayo 2018 – Maanta maalin gaar ah ayay u ahayd macallinka AC Milan ee Gennaro Gattuso, kaasoo saaka 40-jirsadey, wuxuuna farriimo kala gedisan oo samadoonnimo ka guddoomey dad ay ka mid yihiin macallinkiisii Carlo Ancelotti oo farriin dheer oo uu qoray Gazzetta dello Sport ugu hambalyeeyay Rhino.

Waxaa sidoo kale u hambalyeeyay laaciibiintii hore ee ay kooxda Milan usoo wada dheeleen sida Paolo Maldini, Cafu, Andriy Shevchenko, Pirlo, Ambrosini, Kaladze Kakà, Brocchi iwm.

Haddaba, hoos ka daawo muuqaal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee AC Milan oo ay xiddigihii hore ee Rossoneri isku bahaysteen iyagoo laacibka la kaftamay isla markaana xusuusiyay waayihii qurxoonaa ee ay soo wada qaateen.


Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close