Chelsea oo hoos u dhigeysa xiisihii ay u qabtay Sandro

alex-sandro-juventus_1d32a3kyz94pm1nou1cwvr8e7i

(London) 09 Jan 2017. Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in ay hoos u dhigeyso xiisihii ay u qabtay Alex Sandro sababo la xiriira lacagaha lagu rabo.

Waxaa la aaminsan yahay in Brazilian-ka uu saarnaa shiishka kooxda reer England balse qodob lagu gudbi waayey lacagtu noqotay.

The Telegraph, waxa ay warisay in Blues aysan diyaar u hayan bixinta qiimaha Juve dooneyso ee ah £60m.

26 jirka waxaa loo sheegay in uu ka tagi karo Turin.

Cheslea waxaa aad loo loola xiriirinayey in ay  la wareegaan xagaagii hore, balse wey ka hari doontaa haddii qiimaha hoos u soo dhicin.

Conte waxa uu isha ku hayaa xoojinta dadabkiisa biddix – waxa uu bisha la soo wareegay Rose Barkley oo ku kacay £15m.

Sandro waxaa sidoo kale ku raad jooga Manchester United iyo  Paris Saint-Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close