Arsenal iyo Liverpool oo isha ku wada haya Rakitic

Rakitic

(London) 09 Jan 2017. Arsenal iyo Liverpool waxa ay qiimeyn ku hayaan xaaladda Ivan Rakitic kaddib markii uu Camp Nou ku biiray Philippe Coutinho.

Croat-ka walaac ayaa soo galay mustaqbalkiisa Barcelona waxa uuna ka cabsi qabaa in uu keydka u dhaco imaanshaha Coutinho darteed.

Brazilian-ka waxa uu ku biiray Barca isniinta balse uma safan doono bil kahor dhaawac cajirka ah darteed.

Diario Gol waxa ay qortay I Arsenal, Liverpool iyo Juventus ay isha ku ayaan khad dhexe – kaas oo tan iyo 2014 ku sugnaa Barclona oo uu uga yimi Sevilla.

Rakitic kaas oo 14 kulan u saftay Barca horyaalka La Liga kolkan ayaa shalay ku tilmaamay qiimihii laga soo bixiyey Coutinho mid yara ‘Qaali’ ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close