Arag heshiiska Barcelona ay u soo bandhigtay Antoine Griezmann si ay u soo xerogaliso

Griezmann

(Barcelona) 09 Jan 2018 Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa Philippe Coutinho, waxayna haatan ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa daafaca reer Colombia ee Yerry Mina.

Barnaamij ka baxa idaacada Cadena Ser ee El Larguero ayaa lagu sheegay in Barcelona ay hor dhigtay Antoine Griezmann heshiis lama diidaan ah.

Image result for Griezmann Barcelona

Barcelona ayaa u soo bandhigtay weerar yahanka reer France heshiis 5-sano ah oo sanadkii uu ku qaadanayo 15 milyan oo euro.

Griezmann ayaa sidaas kula mushaar ekaanaya Luis Suarez oo haatan ah laacibka labaad ee ugu mushaarka badan Barcelona kadib Messi, wuxuuna qaataa 15 milyan oo euro sanadkii.

26 jirkaan ayaa aad ula dhacay heshiiska Barcelona, laakiin Manchester United oo tartan kula jirta kooxda reer Spain ayaa la filayaa inay u soo bandhigto isla dalabkaan oo kale.

Sidoo kale, kooxdiisa Atletico Madrid ayeey suurogal tahay inay u soo bandhigto isla mushaarkaan si ay u sii haysato.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close