Suarez oo ka hadlay imaanshaha Coutinho ee Barcelona

Luis-Suarez-Philippe-Coutinho-697085

(Catalonia) 08 Jan 2017. Luis Suarez waxa uu sheegay in uu sugi la’yahay kula safashada Barcelona saxiixooda cuub Philippe Coutinho.

Coutinho maanta (Isniin) ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay Camp kaddib markii ay £142m uga soo iibsadeen Liverpool.

Labada laacib Liverpool ayey ka wada tirsanaayeen kahor inta uusan 2014 Suarez iman Barcelona.

“Ka koox wadaag hore ahaan, ka saaxiib ahaan, aad ayaan ugu faraxanahay isaga,b” ayuu yiri Suarez.

“Waxaan qabaa in uu wax badan ka geysan doono kooxda. Qof walba wuu ogyahay tayada uu leeyahay –  sanado badan ayey xiddigga sar sare ku jiray.”

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close