Mina oo la muddeeyey goorta uu tijaabada caafimaad u mari doono Barcelona

maxresdefault

(Catalonia) 08 Jan 2017. Barcelona waxa ay aad ugu raja weytahay in ay laacib kale keento dhammaadka toddobaadkan, daaaca Palmeiras, Yerry Mina.

Laacibka waxaa loo mudeeyey in uu tijaabada caafimaad maro maalmaha foodda inagu soo haya.

Barcelona waxa ay 23 jirka la damacsan tahay in ay ku bedesho Mascherano.

Palmeiras waxa ay rabtay in ay ilaa iyo xagaaga soo socda haysato Colombian-ka balse wey u furan tahay iibintiisa haddii Barcelona bixiso qiimo sax ah.

Sida laga soo xiganayo Alargue Caracol, heshiis ayey isla garteen labada kooxood oo dhici doona bishan,ina waxa uu 24ka saac ee soo socda imaan doonaa Catalonia.

Kahor ku soo biiriddiisa Barca, Mina waxa uu Twitter-ka ka raacay raxan xiddigaha Catalns ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close