Milan oo heshiiska ay Boca uga soo qaadaneyso Maroni raacineysa Gomez

Milan-CurvaSud490epa_33

(Milan) 08 Jan 2017. Waxaa la soo warinayaa in Milan ku dari doonto heshiiska ay Boca Juniors uga dooneyso Gonzalo Maroni da’yarkeeda Gustavo Gomez.

Kooxda reer Argentina waxa ay isku dayeysaa in ay Gomez la soo wareegto balse ma rabto bixinta €10m ee ay Rossoneri ku iibineyso.

Boca dalab amaah ayey soo gudbisay lakiin Milan waxa ay rabtaa in ay uga bedelo dhexdeeda da’yarka ah ee Maroni.

Waa heshiis adag maadaa Xeneizes ay rabto haysashada laacibkeeda oo ay mustaqbalka ku iibsato dhaqale badan.

Waxaa intaa dheer in qandarasku ka dhacayo , haddii uusan saxiixiin heshiis cusub, qiimihiisu hoos ayuu u dhici doonaa inta lagu jiro 2018-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close