Laacib wayn oo ka tirsan Barcelona oo Guri Dariskiisa ah u iibiyay Coutinho

cc

(Spain) 08 Jan 2018. Saxiixa cusub ee Barcelona ayaan Hotel degi doonin oo wuxuu toos ugu xaroon doonaa gurigiisa maadaama horey loogu diyaariyay.

Saaxiibkii hore ee Liverpool Luis Suarez yaa la warinayaa inuu guri u sii iibiyay xiddiga reer Brazil inta uusan xitaa dhammeystirin heshiiskii 145 milyan oo bound uu ugu soo dhaqaaqay Camp Nou.

25-jirka ayaa Maanta lagu soo bandhigi doonaa Nou Camp kaddib markii uu Spain u soo duulay habeenkii sabtida.

cuu

Coutinho ayaa sidaa uga nasan doona Madax Xanuunka guri raadinta taa oo looga mahdinayo Suarez oo ay dhawaan markale garoonka wada gali doonaan.

Saxiixa Cusub ee Barcelona ayaa mar uu wareysi siinayay Daily Mail daaha ka rogay in Madaxwanaha Barcelona Josep Maria Bartomeu uu Suarez waydiiyay Hotelka la dajin doono saaxiibkii marka uu yimaado.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaana ku jawaabay:

“Maya Madaxwayne, looma baahna Hoteel. Anigaa kol hore guri u helay….”.

Coutinho Suarez iyo Messi ayaa Daris ku noqon doona xaafada qaaliga ah ee Castelldefels.

dar

Suarez ayaa 2.6-milyan ku iibsaday guriga uu iminka degan yahay bishii December 2014, bilooyin yar kaddib markii uu Afield kaga yimid.

Coutinho oo ka sheekeynaya sida uu Saaxiibkii guriga ugu helay ayaa yiri:

“Wuxuu arkay in la heli karo guriga dariskiisa ah.

“Ma uusan hubin inaan imaanayo aniga, laakiin wuxuu ka helay fikradaas, waa tilmaam naxariis.

“Waxaan aragnay sawirada guriga, Cajiib ayay u muuqdeen.

“Markasta waan xiriiri jirnay Luis, waan ogaa inuu na caawin doono si aan u dareenno inaan gurigeena joogno.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close