Walter Sabatini oo u duulay Shiinaha & Suning oo uu ka codsan doono laacibiin cusub

(Milano) 07 Jannaayo 2018 – La taliyaha farsamo ee kooxda Inter Milan ee Walter Sabatini ayaa la sheegayaa inuu u duulay dalkaasi Shiinaha, si uu halkaa ugula soo xaajoodo milkiilayaasha kooxdaasi ee  Suning Group.

Kooxda Nerazzurri ayaan wax guul ah dhadhaminin 7 kulan tartamada oo idil, waxayna haatan 9 dhibcood ka hooseeyaan hoggaamiyayaasha horyaalka ee Napoli, iyo 8 ay ka dambeeyaan Juventus.

Taas ayaana halis wayn ku ah hankoodii hanashada horyaalka, waxaase kasii daran inay haatan 3 dhibcood uun ka sarreeyaan Roma oo kaalinta 5-aad ku jirta.

Usoo bixitaanka Champions League ayaa Inter sanadkan u ahayd hadafka ugu yar, sidaa darteed buu sheegayaa Gazzetta dello Sport inuu Sabatini ugu safrayo China si uu Suning uga raarrido inay kooxda maalgelin ku sameeyaan, si ay kooxdu ugu yaraan ugusoo baxdo  Champions League.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close