Mourinho oo ay ka go’antahay soo xerogalinta Mesut Ozil bishaan Janaayo (Imisa ayuu ku doonayaa?)

Image result for ozil mourinho

(Manchester) 07 Jan 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa u fasaxay kooxdiisa in bishaan Janaayo la keeno Mesut Ozil.

Sunday Mirror ayaa baahisay in tababare Jose Mourinho uu diyaar u yahay inuu u gacan galiyo cadawgiisa Arsene Wenger lacag dhan 35 milyan oo Ginni, si uu u helo bishaan Mesut Ozil.

Image result for ozil mourinho

Tababaraha Man United ayaa ka cabsi qaba tartan adag oo uu kala kulmayo kooxaha PSG iyo Bayern Munich oo si wayn u doonayo 29-jirka reer Jarmal.

Milkiilayaasha Man United ee qoyska Glazer ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin in Mourinho ay farta ka saaraan suuqa Janaayo lacag dhan 80 milyan oo Ginni, halka ay jiraan warar ka soo horjeeda kuwaas.

Ku soo xerogalinta 35 milyan kubadd abuuraha Arsenal ayaa ka dhigan lacag ka yar kala barka lacagta ay Man Unired suuqa galinayso bishaan, taas oo suurogal ka dhigaysa dhamaystirka saxiixa Ozil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close