Liverpool oo taageereyaasheeda u celineysa LACAG kaddib bixitaankii Coutinho!

(Liverpool) 07Jan 2017. Liverpool waxa ay ku dhawaaqday in ay taageereyaasheeda u celin doonto lacagihii £50 ee ay ka bixiyeen funaanada ay dhabbar uga qoran tahay Philippe Countinho.
Coutinho waxa uu Barcelona ugu biiray aduun dhan £142m waxaana uu noqonayaa xiddigga ugu qaalisan ee labaad kubadda cagta.
Coutinho waxa uu diiradda u saarnaa Catalans muddo dheer, Klopp-na waxa uu qiray in ay ku adkaatay ku qancinta in uu sii joogo Anfiled.
Brazilian-ka waxa uu u saftay Reds 201 kulan dhammaan tartamada isaga oo u dhaliyey 54 gool.
Shan sano muddo laga joogo ayuu uga soo biiray Inter Milan.
Gool FM.