‘In aan ka aarsado ayaan rabay Manchester United laakiin aney i goosatay”, – Van Gaal oo ficilkan isku dayey kaddib markii la eryey balse ka qoomameeyey….

Dutch Eredivisie"sbv Excelsior v FC Groningen"

(Mamchester) 07 Jan 2018. Louis Van Gaal waxa uu daaha ka rogay in uu doonayey in uu lacagta ugu badan ka qaato Manchester United markii shaqada laga eryey. (Waa lacagta uu xaqa u leeyahay shaqaale qandaraas ku jira ee la eryo).

Hase ahaatee, isaga ayey dib ugu soo noqotay maadama ay ka horistaagtay in uu noqdo tababaraha xulka qaranka Belgium.

Van Gaal waxaa la eryey 2016 xilli warka si sir ah loo helay xilli United u dabaal dageysay hanashadii FA Cup-ka.

Labo sano oo uu maamulayey ninka  Holland-diiska ah, United waxa ay ku bedelatay Jose Mouriho.

Van Gaal waxa uu ka hadlay sida uu uga carooday qaabkii loo eryey waxa uuna rabay in uu ku ciqaabo.

Liverpool v Manchester United - Premier League

“Waxaan qabaa sidii ay ila dhaqantay Manchester United aad ayey u xumeyd, sidoo kale qiyaano,” ayuu u sheegay De Volkskrant.

“Dalabyo badan oo shaqo ah ayaan helay kaddib markii aan ka tagay United. Xiriirka FA-ga ayaa  rabay in aan noqdo tababarahooda xulka qaranla.

“Laakiin muddo sanad ah cid uma shaqeyn Karin, maxaa yeelay shuruudda United ee lacagtii la iisiiyey markii aan tagay ayey ahayd.

“Markaa sidaas ayaan ku waayey shaqada Belgium-ka, iyo kuwo kale, marka laga yimaado fekerka ah in ay ahayd arin adag.

“Aad ayaan uga murogooday siideynta fursaddan iyo kuwo kale. Doqonimo ayey ahayd maadaama tixgalinta isbortiga muhiim tahay.

“Markaas waxaan aad uga fekerayey ka aarsashada United si ay ii siiyaan laagta ugu badan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close