Hordhac: Nottingham Forest vs Arsenal (Wareega 3-aad ee FA Cup)

Image result for nottingham forest arsenal preview

(Nottingham) 07 Jan 2018 Arsenal ayaa u martin doonta fiidnimada caawa kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan wareega 3-aad ee koobka FA Cup-ka.

Waqtiga: 7:00 PM.

Garoonka: The City Ground

Arsene Wenger ayaa ganaax ku seegaya kulankaan, kadib markii FA-ga ingiriisku ay ku ganaaxeen 3-kulan.

Ramsey, Giroud iyo Monreal ayaa dhankooda dhaawac uga maqnaanaya kulanka caawa, waxaana fursad heli doona Calum Chambers iyo Mathieu Debuchy oo ciyaari kara.

Sidoo kale, Granit Xhaka iyo Sead Kolasinac ayaa dhankooda dhaawacyo kala duwan ku seegaya kulanka caawa.

Nottingham Forest ma jirto wax dhaawacyo halis ah oo kooxdu ay qabto ka hor kulana caawa ee Arsenal.

Shaxda labada kooxood ay ku soo gali karaan:

Nottingham: Smith, Lichaj, Worrall, Mancienne, Traore, Bridcutt, Osborn, Dowell, Vaughan, McKay, Murphy.

Arsenal: Ospina, Nelson, Debuchy, Mertesacker, Holding, Maitland-Niles, Elneny, Willock, Coquelin, Walcott, Welbeck.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close