FA Cup: Nottingham Forest oo koobka ka ciribtirtay Arsenal +SAWIRRO

(Nottingham) 07 Jan 2018 Kooxda Nottingham Forest ayaa Arsenal ka ciribtirtay koobka FA cup-ka oo ay difaacanaysay xiliciyaareed kaan.

20-daqiiqo, daafaca Nottingham ee Eric Lichaj ayaa hogaanka u dhiibay kadib markii uu madaxeeyay kubadd laad xor ahayd oo uu soo laaday Kieran Dowel, wuxuuna ka dhigay 1-0.

 Nottingham Forest defender Eric Lichaj header his side in front against Arsenal

23-daqiiqo, Per Mertesacker ayaa u soo barbareeyay Arsenal kadib markii uu ka faa’idaystay kubadd birta ku dhacday oo soo laabatay, wuxuuna ka dhigay 1-1.

44-daqiiqo, Eric Lichaj ayaa gool cajiib ah daba mariyay goolhaye Ospina kadib markii uu sifiican u koontarooshay kubadda isla markaana uu si cajiib ah u dhex dhigay shabaqa, wuxuuna ka dhigay 2-1, sidaas ayaana lagu kala nastay qaybtii hore.

 The former Aston Villa ace scored a breathtaking volley to put the Reds 2-1 up

Qaybtii labaad, Arsenal wax isbadal ah ma samayn, balse ciyaartoyda Nottingham Forest ayaa u baashaalayay sidii inay la ciyaarayaan koox ka awood yar.

64-daqiiqo, Ben Brereton ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu gool u badalay rigoore uu galay Chambers, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-1.

 Reds' teenage striker Ben Brereton netted a second half penalty as he sent the keeper the wrong way

79-daqiiqo, Welbeck ayaa helay gool nasiib ahaa, kadib markii uu sii dhamaystiray kubadd ka farabaxsatay goolhayaha, wuxuuna ka dhigay 3-2.

85-daqiiqo, Kieran Dowell ayaa sii quusiyay Arsenal kadib markii uu dhaliyay rigoore muran badan uu ka dhashay maadama kubaddu ay taabatay labadiisa lugood, wuxuuna ka dhigay 4-2.

89-daqiiqo, garsooraha ayaa casaan u taagay Joe Worrall, kadib markii uu si xun u jilaafay weerar yahanka Arsenal ee Nketiah.

Nottingham Forest ayaa ka reebtay Arsenal FA cup-ka markii ugu horaysay tan iyo 1988, waxayna caawa uga adkaatay 4-2.

 The American right-back reacts after firing his header past the Colombian goalkeeper

 The former German international celebrates after getting the North Londoners back on level terms

 The Nottingham Forest players celebrate after regaining the lead shortly before half-time at the City Ground

 Former Bolton defender Rob Holding fouled midfielder Matty Cash inside the box

 Arsenal stars Alex Iwobi and Per Mertesacker react during the FA Cup clash against Forest

 Kieran Dowell slipped as he ran up to the spot as he made it 4-2 to Forest

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close