Coutinho oo markii ugu horaysay soo gaaray Camp Nou +SAWIRRO iyo Muuqaal

(Barcelona) 07 Jan 2018 Philippe Coutinho ayaa markii ugu horaysay soo gaaray Camp Nou isaga oo ah laacib ka tirsan Barcelona.

Laacibka ayaa la filayay inuu soo gaaro garoonka kulankii ay Levante la ciyaareen goor sii horaysay caawa, laakiin kooxda ayaa diiday maadama la doonayay in ciyaartodu ay xooga saaraan kulanka.

Coutinho ayaa loo soo bandhigay saxaafada, ka hor inta aan si rasmi ah loo soo bandhigin barri oo isniin ah.

Laacibka reer Brazil ayaa la sheegay inuu u xiran doono kooxdiisa lambarka “7” kaas oo haata uu kooxda u wato Arda Turan oo la filayo inuu baxo bishaan Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close