Tartan ay ka qeyb qaadanayaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka furmay Magaalada Kampala

(Muqdisho) 06 Jan 2018 Tartankan oo ay ka qeyb gelayaan 6 Kooxood oo kala metelaya Maamul Goboleedyada ka jira Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa ka furmay Magaalada Kampala, gaar ahaan Xaafadda Soomaalida ay degan tahay ee Kisenyi.

Furitaanka Tartan Ciyaareedkan kubadda Cagta waxa ka qeyb galay Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Uganda, iyadoona sheegay inay tani qeyb weyn ka tahay Hormarka dhalinta Soomaalida iyo is dhex galka Bulshada.

Tartankan Kubadda Cagta oo dhexmari doona Kooxo kala metelaya, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed iyo Gobolka Banaadir ayaa waxa soo soo agaasimay Maamulka Garoonka Kubadda Cagta International Fustal Courts Uganda (IFCU) oo gacan ka helaya Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Uganda.

Yaxye Maxamuud Ciise oo ka mid ah Maaamulka Garoonka IFCU ayaa sheegay in Ciyaarahan ay socon doonaan Todobaadkiiba Maalinta Jimacada ah, ayna socon doonaan muddo 5 Todobaad ah, waxana uu intaa ku daray inay tani bilow u tahay Kulamo is dhexgal bulsho ah oo ka dhaci doona Magaalada Kampala.

Kumanaan qof oo ka mid ah Shacabka Soomaalida ku dhaqan Dalka Uganda, Muddooyinkana si weyn uga war dhoowrayey Furitaanka Ciyaaraha ayaa u soo daawasho tegay, Iyadoona Garoonku uu noqday mid la ciirciiraya Taageerayaasha oo si xamaasadeysan u daawaday dhamaan Ciyaaraha is araga ee lagu furay Tartankan.

Natiijada Kulamadii dhacay ee Furitaanka Ciyaaraha

  1. Banaadir Vs K/Galbeed ayaa Ciyaartii koowaad wada dheelay waxana 8:1 ku badiyey Kooxda Banaadir.
  2. Ciyaartii labaad waxa wada dheelay Puntland iyo Jubbaland, iyaduuna halkas ay guushu ku raacday Kooxda Puntland oo ku badisay 3 : 2
  3. Sidoo kale Ciyaartii ugu dambeysay waxa wada dheelay Hirshabelle iyo Galmudug oo ay 6:3 ku badisay Kooxda Galmudug.

Waxa uu noqonayaa Tartan Ciyaareedkii ugu horeeyey ee nuuciisa ah oo dhalinyaro Soomaaliyeed loogu qabto Magaalada Kampala.

IMG_4538 IMG_4549 IMG_4563 IMG_4580 IMG_4584 IMG_4602 (1) IMG_4602 IMG_4604 IMG_4608 IMG_4618 IMG_4619 IMG_4633 IMG_4654

W/D:Dahir Farah Ahmed 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close