Mourinho oo qolka dhar bedeleshada ku raali galiyey ciyaaryahan

Manchester United v Leicester City - Premier League

(Mancehster) 06 Jan 2017. Jose Mourinho waxa uu raali galiyey Henrikh Mkhitaryan kaddib markii uu bedelay qeybtii hore ee ciyaartii FA Cup-ka ee Derby County.

Armenian-ka waxa uu haystay fursad uu isku muujiyo kulankan balse waxaa qeybtii hore markii ay dhamaatay lagu bedelay Romelu Lukaku.

Guusha waxaa siiyey goolal ay u dhaliyeen Jesse Lingard iyo  Lukaku balse Mourinho waxa uu sheegay in uu raali galiyey Mkhi.

“Cadaalad ma ahayn in aan Mkhitaryan bixiyo waana u sheegay qeybtii nasashada,” ayuu Mourinho u sheegay wariyeyaasha.

“Kama helo in aan sidaas yeelo. Uma uusan qalmiin, si wacan ayuu u ciyaarayey, ma xumeyn ciyaartiisa.

“Dhawr baas ayuu qalday laakiin si wacan ayuu u ciyaarayey.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close