“Maskaxda ayaad ka jiran tahay marka aadan xasuusan…..”- Conte oo si kulul ugu jawaabay Mourinho

Chelsea-v-Manchester-United-The-Emirates-FA-Cup-Quarter-Final

(London) 06 Jan 2017. Tababaraha Chelsea Antonio Conte waxa uu qabaa in Jose Mourinho u muuqday mid maskaxdiisa luminayey muraranadii labadooda u dhexeeyey dhawaantan, markan qaabka ay u dabaal dagaan labadooda marka ay taagan yihiin diilinta farsamada.

Tababaraha Manchester United waxa uu mar u sheegay saxaafadda in uu lumiyey xiisihii uu u qabay in uu dabaal dago maadama uusan rabin in uu noqdi sida ‘Doqomada diilinta farsamada’, dabcan oo ula jeeday Conte iyo Jurgen Klopp.

Conte wuu u soo jawaabay waxa uuna yiri: “Waxaan qabaa in uu dib u milicsado sida uu ahaa waagii hore, malaha waxa uu ka hadlayey sida uu ahaa waagii hore.

“Malaha mararka qaar, qof ayaa ilaawa waxa ay dhihi jireen waa hore ama dhaqankoodiii mararka qaar waxaan qabaa in ay jirto, ma aqaan in ay la mid tahay, xanuunka maskaxda wax u dhima ee Senile dementia.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close