Man United oo Real Madrid kula loolamaysa saxiixa Harry Kane

Image result for Harry Kane United

(Manchester) 06 Jan 2018 Kooxda tababare Jose Mourinho ayaa dhinac ka soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa weerar yahanka Tottenham ee Harry Kane.

24 jirkaan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican sanadkii dhamaaday ee 2017, wuxuuna dhaliyay 56 gool isaga oo ka saramaray Messi iyo Ronaldo.

Image result for Harry Kane Real United

Waxaana lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan oo si wayn u doonaysa saxiixiisa.

Mirror ayaase daaha ka qaaday in Manchester United ay kula tartami doonto Real Madrid saxiixa Harry Kane suuqa xaggaaga.

Laacibka ayaa dhawr jeer ku celceliyay inuu sii joogayo kooxdiisa, balse qiimo wayn oo la soo hordhigo ayaa ku qasbi kara inuu ka tago woqooyiga London sida lagu sheegay warbixinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close