Kooxda Heegan oo guul ka gaartay FC Banaadir+SAWIRRO

(Muqdisho) 06 Jan 2018.Kooxda Heegan ayaa guul ka gaartay naadiga FC Banaadir,kullan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Jaamacadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu tala galay waxa ay kusoo dhamaatay 4-2 oo ay guusha ku qaadatay kooxda ciidanka Booliska.

Qeybtii hore ee kullanka ayaa lagu kala nastay 3-0 oo ay ku hoggaamineyso Heegan,waxaana goolasha u dhaliyay xiddigaha Nayanzi Ronaldo,Cabdicasiis Catoosh iyo C/raxmaan Muudeey.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Heegan waxa ay la timid gool kale waxaana u anxiyay xiddiga Xasan Suarez,halka Banaadir FC labada gool ay ka heshay weeraryahankooda Benteke.

Heegan ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta horyaalka,waxaana  tababare u ah Roberto Mayanja oo ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan kuwa ka shaqeeya dalkeena Soomaaliya.

FC: Banaadir ayaa iyana  ka mid ah kooxaha kubaddooda sida weyn loogu riyaaqay,waxaana naadigaas ay ku soo guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

IMG_5170 IMG_5171 IMG_5173 IMG_5174 IMG_5175 IMG_5177 IMG_5179 IMG_5180 IMG_5181 IMG_5182 IMG_5187 IMG_5188 IMG_5191 IMG_5192 IMG_5194 IMG_5196 IMG_5202 IMG_5204 IMG_5206 IMG_5207 IMG_5210 IMG_5218 IMG_5223 IMG_5224 IMG_5227 IMG_5234 IMG_5238 IMG_5240 IMG_5242 IMG_5249 IMG_5250IMG_5252

 Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *