Jupp Heynckes oo ka hadlay wararka Vidal la xiriirinaya Chelsea (Ma saxbaa inuu ku biirayo Blues?)

Vidal

(Munich) 06 Jan 2018 Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Jupp Heynckes ayaa ka hadlay wararka Arturo Vidal la xiriirinaya Chelsea.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in Chelsea ay dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay laacibka reer Chile ee Arturo Vidal.

Image result for jupp heynckes Vidal

Laakiin Jupp Heynckes ayaa beeniyay wararkaas, wuxuuna sheegay inuusan jirin xiriir u dhexeeya Bayern Munich iyo Chelsea.

“Ma jiro xiriir u dhexeeya Chelsea iyo Bayern Munich, ma iibinayno Vidal ama laacib kale suuqaan Janaayo” ayuu yiri Jupp Heynckes.

Tababare Antonio Conte ayaa si wayn u doonaya inuu dib ula midoobo Vidal oo waqti fiican ay ku soo wada qaateen Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close