FA Cup: Man City oo beerka ka garaacday Burnley, xili Aguero uu laba gool dhaliyay +SAWIRRO

(Manchester) 06 Jan 2018 Man City ayaa guul wayn ka gaartay Burnley oo marti u ahayd waxayna ugu awood sheegatay 4-1.

City ayaa si liidata ku bilaabatay ciyaarta, ciyaartoyda Burnley ayaana sifiican uga faa’idaystay oo qabtay hogaanka ciyaarta.

 Ashley Barnes seized on a John Stones mistake to fire Burnley into the lead

25 daqiiqo, Ashley Barnes ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Burnley, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 0-1, qaybtii hore ayaana sidaas lagu kala nastay.

Qaybtii labaad, Pep Guardiola ayaa sameeyay is badal, kooxda ayaana soo bandhigtay qaab ciyaareed ka fiican kii hore.

56-daqiiqo, Aguero ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Man City, kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu u soo ciribeeyay Gundogan, wuxuuna ka dhigay 1-1.

2-daqiiqo kadib, Aguero ayaa hogaanka u dhiibay City, kadib markii uu ka tagay goolhayaha, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

71 daqiiqo, Leroy Sane ayaa gool kale u dhaliyay City, kadib markii uu ka faa’idaystay kubadd uu daafacyada ka soo dhex bixiyay David Silva, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-1.

82 daqiiqo, Bernardo Silva ayaa quusiyay Burnley, wuxuuna dhex dhigay shabaqa kubadd uu ka helay Sane, wuxuuna ka dhigay 4-1.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 4-1 oo ay guushu ku raacday Manchester City oo u gudubtay wareega afaraad ee FA Cup-ka.

 Leroy Sane turns the third goal in at the far post

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close