Babaay iyo Xasan Siidoow oo qeyb ka noqday kooxda Heegan+sawirro

(Muqdisho) 06 Jan 2018 Xiddigaha ka ciyaara garbaha daafacyada ee Xasan Sidoow Hiloowle iyo Xasan Cali Rooble Babaay, ayaa qeyb ka noqday kooxda Heegan oo ka mid ah naadiyada heerka koowaad ee dalkeena.

Ciyaartooydan ayaa ka soo dhex muuqday kullan kooxda ciidanka Booliska ay 4-2 uga badisay kooxda kusoo guuleysatay horyaalka heerka labaad ee FC Banaadir.

Maamulka naadiga ayaa inoo xaqiijiyay in labadaan xiddig ay qalinka ugu duugi doonaan kooxda heshiis rasmi ah.

Kooxda Heegan ayaa  maalmaha ina soo aadan ka saxiixan doonto qandaraasyo dhowr ciyaaryahan oo ay naadiga la soo wareegtay.

IMG_5206 IMG_5192 IMG_5173 IMG_5179 IMG_5210 IMG_5249 IMG_5182

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close