RASMI: Chelsea oo dhamaystirtay saxiixa Ross Barkley

Ross Barkley

(London) 05 Jan 2018 Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay saxiixa laacibkii qadka dhexe ee Everton kaas oo galabta ka gudbay tijaabada caafimaadka.

Ross Barkley ayaa qalinka ugu duugay Blues heshiis 5-sano iyo bar ah, wuxuuna u xiran doonaa lambarka “8”.

Chelsea ayaa kula soo wareegtay 24 jirkaan lacag dhan 15 milyan oo Ginni, kooxda ayaana horay ugu guul daraysatay saxiixiisa suuqii xaggaaga.

“Waxaan dareemayaa inaan riyo ku jiro, waxaan xooga saarayaa inaan soo muujiyo qaab ciyaareed wanaagsan, waxaan u xiiso qabaa inaan si xoogan ula bilowdo Chelsea” ayuu yiri Ross Barkley.

“Ku soo biirida kooxdaan waliba bilwga sanadka waa tilaabo fiican, waxaan ku dadaalayaa inaan soo bandhigo qaab ciyaareedkii fiicnaa ee aan ku dhamaystay xiliciyaareed kii hore”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close