DEG DEG: FA-ga oo ganaax culus dul dhigay Arsene Wenger (Imisa kulan ayaa la ganaaxay?)

(London) 05 Jan 2018 Xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA ayaa ganaax dul dhigay tababaraha kooxda Arsenal.

Arsene Wenger ayaa eedeeyay habka garsoorka ee horyaalka ingiriiska, xili rigoore shaki uu ka muuqday laga dhigay kooxdiisa kulankii West Brom.

Wenger 2

FA-ga ayaa ku ganaaxay Arsene Wenger inuu ka maqnaado kursiga tababarka kooxdiisa ilaa 3-kulan, kadib markii uu qirtay inuu sameeyay dhaqan xumo.

Sidoo kale waxaa lagu ganaaxay bixinta lacag dhan 40 kun oo Ginni, kadib hadaladii uu ka sheegay garsoore Mike Dean.

Kulamada uu Arsene Wenger ka maqnaanayo Arsenal ayaa kala ah: Nottingham Forest (FA Cup), Chelsea (League Cup) iyo Bournemouth (EPL).

Wuxuuna dib ugu soo laabanayaa kursiga kooxda kulan 20-ka bishaan ay Arsenal marti qaadi doonto Crystal palace oo ka tirsan horyaalka ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close