Chiellini oo niyad jabiyay Chelsea isla markaana heshiis cusub u saxiixaya Juventus

Chiellini

(Torino) 05 Jan 2018 Daafaca Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa ugu danbayntii ogolaaday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Qandaraaska laacibka reer talyaani ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, balse kooxda ayaa ku qancisay inuu saxiixo heshiis cusub.

Chiellini

Corriere della Sera, ayaa baahiyay in Juventus ay kula heshiisay Giorgio Chiellini inuu saxiixo heshiis laba sano oo dheeri ah.

Giorgio Chiellini ayaa qalinka ugu duugaya Juventus heshiis gaaraya ilaa 2020, taas oo ka dhigan inuu sii joogi doono kooxda ilaa uu ka gaarayo 35 jir.

Waxaa la filayaa in heshiiskaan lagu dhawaaqo maalmaha nagu soo aadan, waxaana soo gaba gaboobaya xiisihii laacibku uu ka helayay Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close