RASMI: Marko Pajaca oo ku biiray kooxda Schalke 04

(Gilcenkirchen) 04 Jannaayo 2018 – Kooxda Schalke ayaa soo dhamaystirtay saxeexa laacibka Juventus ee Marko Pjaca oo ay amaah ku haysan doonto ilaa dhamaadka fasal-ciyaareedkan.

War kasoo baxay kooxda Schalke ayaa lagu rasmiyeeyay inay kooxdaasi qaadatay garab-weerarka Pjaca oo ku yimi amaah qallalan, oo aan lahayn dookh iibsasho, kaasoo caafimaadka u maray kooxdiisa.

“Waannu ku faraxsan nahay in Marko uu annaga na doortay, isagoo arkayay dhowr naadi oo wada xiisaynayay. Wuxuu nagusoo kordhinayaa tayo badan,” ayuu yiri macallinka kooxdaasi ee Domenico Tedesco.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close