Ozil oo gabi’ahaanba dhinac u riday dooddii madhaleyska ahayd ee ‘Yaa laacibsan Ronaldo iyo Messi?”

FBL-US-EVERTON-REAL MADRID

(London) 05 Jan 2017. Mezut Ozil waxa uu ku dhawaaqay in Cristiano Ronaldo ka wanaagsan yahay Lionel Messi.

Khadka dhexe ee Arsenal waxa uu ku milmilay doodad ma dhalleyska noqotay ee ku saabsan kan wacan Messi iyo Ronaldo xilli uu ka qeyb qaadanayey wareysi maadeysi ah oo lagu duubay Sky Sports.

Carruur ayaa weydiineysay su’aalo kuwaas oo hordhigay weydiintan xasaasiga ah.

Ozil waxa uu ku jawaabay: “Waxaan dooranayaa Ronaldo maxaa yeelay waan la ciyaaray.”

Real Madrid CF v Getafe CF - La Liga

Dabcan Ozil waqti ayuu kula qaatay Ronaldo kooxda Real Madrid oo ay ku wada qaadeen Copa del Rey iyo La Liga – caawinaad badan ayuu u sameeyey.

Ozil waxaa dhinac fadhiyey oo isna su’asha la weydiiyey Shkodran Mustafi kaas oo ku jawaabay: “Waxaan dooranayaa Messi.”

Ronaldo iyo Messi labaduba waxa ay ku guuleysteen min shan Ballon d’Or.

Real Madrid vs FC Barcelona

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close