Omar Abdulkadir Artan iyo Mohamed Nur Muhudin oo ku biiray liiska FIFA

aa

(Muqdsiho) 04 Jan 2018. Qaar ka mid ah garsorayaasha heerka kowaad ee Kubada Cagta Soomaaliya ayaa kasoo muuqday Poga sare ee hay,ada Kubada Cagta dunida FIFA qaybteeda garsoorka, kaddib markii ay ka mid noqdeen garsoorayaasha caalamiga ee FIFA.

Waa guul kaloo dareen leh taasoo usoo hoyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bahwaynta isboortiga, kaddib markii liiska garsoorayaasha hay,ada Kubada Cagta dunida maamusha ee FIFA lagu arkay garsoorayaal da, yar ah, ku waas oo qayb ka ah garsoorayaasha heerka kowaad ee Soomaaliya.

Omar Abdulkadir Artan iyo Mohamed Nur Muhudin (Somali) ayaa qayb ka noqday liiska garsoorayaasha heerka caalami ee kusoo baxay diwaanka FIFA, kaddib markii ay dhawaan ku baaseen imtixaankii MA, kaas oo ay bixinayeen macalimiinta kala ah MR Felix oo u dhashay Wadanka Zimbabwi iyo Mbacke oo isna kasoo jeeda Wadanka Senegal.

FIFA ayaa si cad bogeeda ugu shaacisay in garsoorayaasha Sanadkan ee heerka Caalami ay kasoo muuqdeen liiska garsoorayaasha ay qayb wayn ku lee yihiin Soomaaliya oo sanadan ay afar garsoore oo laba ka mid ah ay yihiin kuwa gudaga, halka labada kalana ay yihiin Calanhaye_yaal.

Garsoorayaasha kala Omar Abdulkadir Artan, Mohamed Nur Muhudin (Somali) Hassan Hussein Macow iyo Nour Abdi Mohamed ayaa nasiib u yeeshay in sanadan ay kasoo muuqdeen liiska garsoorayaasha Kubada Cagta aduunka, iyagoo bedelay garsoorayaasha kala ah Xasan Aadan Xaaji Yarabow (Wiish) iyo Aweys Cabdullaahi Shiikh (Aweys Bluu) oo isaga farsiistay, halka Saalax Cumar Abuukar uu ku dhacay Oradkii FIFA ee 24-kii bishii September lagu qabtay garoonka Banaadir Stadium iyo Bashiir Colaad Carab oo in kadabn 15 sano kamid ahaa garsoorayasha heer caaalami ee FIFA.

11

Garsoore Omar Abdulkadir Artan oo waa 26-sano jir kaas oo 1992-dii ku dhashay Xaafada Buulo Xuubay ee degmada Wajir, isagoo wax barashadiisa Dugsiga Dhexe iyo Dugsiga Sare ku qaatay Iskool Jabuuti, halka uu sanadkiisii ugu danbeeyay uu ku jiro Jaamacada Plasma University gaar ahaan qaybta Public admin.

Omar Abdulkadir Artan oo ka mid ah garsoorayaasha ugu da,da yar garsoorka Soomaaliya iyo kan FIFA ayaa lagu timaamaa in uu yahay garsoore leh go,aano adag, Aragtiyo fog, Dulqaad, Daacadnimo, uheelanaan shaqo, ixtiraam xag maamul iyo xag Cayaariyahan taas oo uu ku mutaystay in mudo yar uu ku gaaro darajada uu ku haminaayay ee ahayn in uu noqdo garsoore Caalami ama mid ku xardhan magaciisa bogga sare ee FIFA qaybteeda garsoorka.

Omar Abdulkadir Artan ayaa lagu xasustaa in uu dhex dhexaadi ka ahaa kulankii u danbeeyay sanada 2017-ka ee Super Cup-ka dalka oo caadiyay ay Ciyaaraan Kooxaha ku guulaysta Horyaalka iyo Koobka Janaraal Daa,uudka oo sanadaan ay ku tartamayeen Kooxaha Elman iyo Dekedda, sidoo kale wuxuu dhex dhexaadiye ka ahaa kulamadii ay hore u Ciyaareen Kooxaha

Jeenyo iyo heegan

Banadir vs mogadishu

Hegan Vs B/dhexe

Banadir vs B/dhexe

Soomaaliya ayaa liiska garsoorayaasha FIFA ku leh ilaa iyo sagaal garsoore ku waas oo kala ah

Garsoore:

ARTAN Omar Abdulkadir

HAGI Hassan Mohamed

MUHUDIN Mohamed Nur

Caawiyaal Garsoore:

ABDI Hamza Hagi

FARAH Ahmed Abdulahi

MAHAD Ali Mohamed

MAO Hassan Hussein

MOHAMED Nour Abdi

SULEIMAN Bashir

W/D: Digireey

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close