HORDHAC: Celta Vigo vs Barcelona…(Lugta hore ee wareega 16-ka Copa de Rey)

c

(Spain) 04 Jan 2018. Barcelona ayaa dib ugu soo laabtay ciyaaraha Spain kaddib fasax gaaban ay ku aadeen dabaal dega sanadka cusub iyagoona kulankoodii ugu dambeeyay ku raaxeystay guushii wayneyd ay El Calsico ka gaareen Real Madrid.

Wararka Labada Dhinac:

Ousmane Dembele ayaa ugu dambeyn dib uga soo laabtay dhaawacii ku dhacay kulankiisii ugu horreeyay ee La Liga, wuxuuna ka soo muuqan karaa kulanka caawa.

Lionel Messi, Luis Suárez iyo Andrés Iniesta ayaa lagu wadaa la nasiyo kulanka caawa ee lugta hore wareega 16-ka Copa del Rey.

Paco Alcacer ayaa shaki laga muujinayaa halka Samuel Umtiti uu ku maqnaan doono dhaawac muruqa ah.

Macallinka Celta Vigo Juan Carlos Unzue ayaan qabin wax dhaawacyo cusub iyo waliba walaac ganaax.

Wuxuu eegan doonaa inuu weerarka ka soo wada ciyaarsiiyo Iago Aspas iyo Maxi Gomez si ay u dhibaan daafaca Barcelona.

Labada weeraryahana ayaa ilaa iminka La Liga wada dhaliyay 18-gool wadar ahaan.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Celta Vigo vs Barcelona (Copa de Rey)

Goobta: Balaidos Stadium.

Goorta: 9:00 Habeenimo

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Barcelona ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ay booqato Balaidos Stadium kala soo kulantay guul darrooyin (4-1 iyo 4-3).

Sidoo kale Barcelona ayaa 2-2 la dhaafi waysay Celta Vigo kulankii La Liga ee lagu ciyaaray Camp Nou horaantii xilli ciyaareedkan waana kooxda kaliya ee dhibic kaga qaadatay garoonkeeda.

Barcelona oo saddex jeer oo xiriir ah ku soo guuleysatay Copa de Rey ayaa eeganeysa markii afaraad.

Celta Vigo ayaa gaartay Final ka tartankan saddex jeer balse nasii darro marna maku guuleysan.

Safafka Macquulka ah ee Celta Vigo vs Barcelona:

Barcelona (4-3-3)

Cillessen; Semedo, Mascherano, Vermaelen, Digne; Roberto, Busquets, Gomes; Vidal, Dembélé, Denis

Celta Vigo (4-3-3)

Blanco; Mallo, Cabral, Gómez, Jonny; Radoja, Pablo, Jozabed; Mor, Guidetti, Hjulsager

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close