Barcelona oo go’aan ka gaartay saxiixa David Luiz (Maxaa la isku raacay?)

David-Luiz-of-Chelsea-smiles-before-kick-off-during-the-Emirates-FA-Cup-semi-final-match-between-Che

(Barcelona) 04 Jan 2018 Barcelona ayaa go’aan ka gaartay saxiixa daafaca Chelsea ee David Luiz, sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa isku raacay in David Luiz aan lagu soo darin kooxda suuqa janaayo maadama qiimo ahaan uu qaali yahay.

Luiz

Wakiilka David Luiz ayaa u soo bandhigay bishii hore Barcelona saxiixa daafaca reer Brazil laakiin kooxda ayaa ku gacan sayrtay soo jeedintiisa.

Laba arin ayaana keentay in Barcelona ay diido saxiixa David Luiz, tan hore ayaa ah mushaarka qaaliga ah ee laacibku uu dalbanayo.

Arinka labaad ayaa ah, laacibka oo aan awoodin inuu Barcelona u ciyaaro Champions League, kadib markii uu xiliciyaareed kaan wareegii guruubyada u ciyaaray Chelsea.

Waxaa jira arin kale oo dheeri ah kaas oo ah in tababare Valverde uu aaminsanyahay in David Luiz uusan aqbalayn inuu keyd u galo Pique iyo Umtiti.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close