Arda Turan iyo Theo Wallcott oo isu bandhigay AC Milan

(Milano) 04 Jannaayo 2018 – Laacibka kooxda Barcelona iyo xulka Turkey ee Arda Turan ayaa sida lasoo werinayo loogu yaboohay kooxda AC Milan.

Sida ku dhigan Il Giornale, Milan ayaa waxaa usoo geed fariistay wakiilka laacibka ee Ahmet Bulut, balse ma jiraan wax muujinayo in Rossoneri ay qaadan doonto 30-jirkan.

Arda ayaa dulsaar ku ah baahida Camp Nou, tiiyoo ay jirto inay kooxda Catalonia ay kusoo iibsatey €41m oo ay siisay Atletico Madrid sanaddii 2015.

Dhanka kale, waxaa shalay soo baxayay in Theo Wallcott oo u safta kooxda Arsenal uu isagu shakhsiyan iskugu bandhigay kooxda AC Milan, balse weli ma jiro astaamo muujinaya inay Milan arrintaa aqbashay.

B

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close