YAAB: Chelsea oo soo kireysatay Shaqsi Antonio Conta ka Daweeya Dabaal dega Waalida ah!!!

bb

(London) 03 Jan 2017. Antonio Conte ayaa doonaya inuu sanadkan cusub go’aan ka gaaro dabaal dega waalida ah uu sameeyo markay guul gaarto kooxda taa oo jahwareer iyo jir xanuunba u keena.

Macallinka reer Talyaani ayaa iminka sameyn doona Jimcsi nuuca loo yaqaano Yoga ee xasiliya xiska iyo jirkaba.

Chelsea ayaa xitaa macallin ku taqasusay sheekadan u soo kireysay Antonio Conte si ay uga yareyso cadaadiska badan.

“Qofbaa jira waxana kooxda uga mahad naqayaa inaan qof ceynkan oo kale ah halkan ku heysto,” Conte ayaa sidaa yiri.

yoo

“Waxaan sameynaa jimicsi jirka lagu fur furayo, dhammaadka jimicsigana waxaan sameynaa 10-daqiiqo oo nasiino ah. Tani way fiican tahay.

“Waan ka helaa aad ayaana u xiiseeyaa Yoga, waan ka helaa inaan aqriyo buugaata mowduucyadan ka hadlaya.”.

Antonio Conte, Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ayaa ka mid ah tababarayaasha sida waalida ah ugu dabaal dega guusha kooxdooda.

Conte oo taa ka hadlayana wuxuu horey u yiri:

“Marka aad kulan sidan oo kale ku dhammeysato waad yare daalan tahay, laakiin isla waqtigaana waad faraxsan tahay haddii aad guul gaartay.

“Maadaama aan sii waynaanayo waxaan bilaabi doonaa deganaan badan waxaana isku dayi doonaa inaan fariisto laga yaabee shan daqiiqo.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan bilaabo inaan fariisto inta lagu guda jiray kulamada.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close