Real Madrid oo ku qancineysa Ronaldo mushaar le’eg inta ay Messi iyo Neymar qaataan….Waa misa ayaad is leedahay?

messi-ronaldo

(Manchester) 03 Jan 2017. Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay u soo bandhigtay Cristiano Ronaldo mushaar toddobaadkii uu ku qaadanayo £600,000.

Qeybtii hore ee xilli ciyaareedkan waxa uu dhaliyey afar gool oo qura waxaana si joogta ah looga xiriirinayey Manchester United iyo  Paris Saint-Germain.

Hase ahaatee, sida laga soo xiganayo Corriere Dello Sport, Real Madrid waxa ay dooneysaa in ay ku hayso Portuguese-la  Benrnabeu iyada oo siin doonta mushaarka ay qaataan Lionel Messi iyo Neymar.

32 jirka waxaa uga dhiman heshiiska uu Real kula jiro hadda afar sano iyo bar balse Los Blancos in ay ku qanciso sii joogidda kooxda ay ku raja weyn tahay.

Real Madrid waxa ay haatan ka hooseysaa Barcelona oo hogaamineysa La Liga 14 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close