RASMI: Victor Valdes oo ka fariistay kubadda cagta kana baxay Baraha bulshada

(Barcelona) 03 Jan 2018 Goolhayihii hore ee Barcelona iyo Manchester United ayaa ka fariistay ciyaarista kubadda cagta isaga oo 35 jir ah.

Victor Valdes ayaa u ciyaaray in kabadan 670 kulan kooxaha iyo xulkiisaba, wuxuuna la qaaday xulka iyo kooxihiisaba 23 koob xirfadiisa.

Valdes ayaa qaatay go’aan ah inuu xooga saaro qoyskiisa kadib muddo dheer oo uu ku soo gudo jiray ciyaarista kubadda cagta.

Goolhayihii hore ee Barcelona ayaa koox la’aan ahaa tan iyo bishii May ee 2017 markaas oo uu ka tagay kooxda Middlesbrough.

Wuxuuna go’aansaday ugu danbayntii inuu tirtiro xitaa dhamaan barihiisii bulshada, kadib markii uu ku dhawaaqay ka fariisashadiisa kubadda cagta.

Wuxuuna qaaday tilaabo aan looga baran ciyaartoydii hore ee ka fariistay kubadda cagta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close