7-Waxyaabood uu Cristiano Ronaldo ku Talaabsan karo 2018..(Warbixin Xiiso Leh)

cr7

(Muqdisho) 03 Jan 2018. Cristiano Ronaldo oo sanadkii tagay ururusaday abaal marinadii la bixiyay ayaa sanadkan cusub misane ay hor taalaa 7- waxyaabood ay tahay inuu ka talaabsado.

Haddaba halkan ka aqriso:

Champions League-kii 5aad

Cristiano Ronaldo ayaa 4 jeer ku guuleystay Champions League, oo u dhiganta inta ay ku guuleysteen ciyaaryahanada Clarence Seedorf, Samuel Eto’o, Xavi, Gerard Piqué, Iniesta, and Lionel Messi. Haddii ay Real Madrid ku guuleysatana 2018, Ronaldo ayaa noqonaa ciyaaryanka ugu guuleysiga badan koobkaas. Haddii la eegana inta aan koobkaan magaciisii hore laga badaline, ciyaaryanada Di Stéfano, Zárraga, Marquitos Alonso, Rial, Juanito Alonso, Rafa Lesmes, iyo Paolo Maldini ayaa sidoo kale ku guuleystay 4 jeer, halka Paco Gento uu ka guuleystay lix.

Ballon d’Or-hii 6aad

The Champions League, Ballon d'Or, and Alfredo Di Stéfano's Real Madrid records are among the seven challenges for Cristiano in the upcoming year.Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarintan sanadkii 2008 ee uu joogay Manchester United. Intaas kadib, Messi ayaa abaalmarintan qaaday sanadihii 2009, 2010, 2011, 2012, iyo 2015. Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa isna ku guuleystay sanadihii 2013, 2014, 2016 iyo 2017. Labada ciyaaryahan ayaa tiro isku mid ah ku wada guuleystay abaalmarintan. Hiigsiga xiga ee Ronaldana waa inuu ka hormaro Messi.

Gool Dhalinta Champions League

Ronaldo waa gool dhaliyaha ugu sarreeya tartanka Champions League ee sanadkan 2017-18 isaga oo 9 gool ku dhaliyey 6 kulan. Waxa uuna sidaas ku burinayaa abaalmarintii 6aad ee Pichichi ee uu Real Madrid la qaado iyo midiisii 7aad. Wuxuu xili ciyaareedkii 2016-17 ugu sarreeyey gool dhalinta Champions League isaga oo dhaliyey 12 gool, halka kii 2015-16 kana uu dhaliyey 16, kii 2014-15 dhaliyey 10, kii 2013-14 dhaliyey 17, kii 2012-12 dhaliyey 12, iyo kii 2007-08 dhaliyey 8.

Koobka adduunka uu la qaado Portugal

Koobka Adduunka ee ka dhacaya Ruushka ayaa noqon kara kiisii ugu dambeeyey ee uu dheelo, maadaama uu 37 jir noqonayo kan xiga ee dhici doona 2022. Ninkan ka soo jeeda magaalada Madeira ayaa dhaliyey 15 gool oo ka mid 32 gool ee Portugal oo idil ay dhalisay kulamadii isreeb reebka Koobka Addunka, iyada oo waliba ay xulku u safri doono dhankaas iyo Ruushka iyaga oo ah hogaamiyaasha qaarada Yurub.

Inuu soo bar bareeyo Di Stéfano oo La Qaaday Real Madrid (17-koob)

The Champions League, Ballon d'Or, and Alfredo Di Stéfano's Real Madrid records are among the seven challenges for Cristiano in the upcoming year.Ronaldo ayaa ku guuleystay 15 koob ilaa intii uu ku soo biiray kooxda Real Madrid sanadkii 2009: oo kala ah saddex Champions Leagues, saddex European Super Cup, labo horyaal, saddex Koobka Kooxaha Adduunka, labo Copa del Rey iyo labo koobab Super Cup Spain. Kaliya ciyaaryahanada ay koox wadaaga yihiin ee Sergio Ramos iyo Marcelo ayaa hadda ka koobab badan oo midkiiba uu heystaa 18 koob. Ronaldo ayey hadda isku dhigmaan ciyaaryahanada Guti, Pirri, Alonso, iyo Zárraga. Raúl, Martín Vázquez, Míchel, Butragueño, Santillana, iyo Miguel Ángel ay iyaguna haystaan 16; halka Di Stéfano uu heysto 17; Fernando Hierro uu heysto 18; Casillas, Chendo, iyo Camacho ay heystaan 19; Manolo Sanchís uu heysto 22, iyo Paco Gento oo heysta 23.

Ku Biirista xarfaanta La Liga ka safatay 300-kulan iyo wixii ka badan

Ronaldo ayaa dhaliyey 289 gool kulamo gaaraya 277 oo uu ka ciyaaray horyaalka LaLiga, waxa uuna rajeynayaa in uu kula biro Lionel Messi dhankaas iyo ka mid ahaanshaha dadka ka gudbay xadka 300 gool ee horyaalka. Ka mid ahaanshaheedu waa qaas, xaqiiqdii, waayo Messi kaliya ayaa ka mid ah dadkaas. Ciyaaryahanka reer Barcelona ayaa dhaliyey 364 gool oo LaLiga ah ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2004. Waxaa jira ilaa 36 ciyaaryahan oo ka soo muuqday LaLiga, halka Ronaldo ay 5 kulan oo keli ah uga dhiman tahay inuu la sinmo Alfredo Di Stéfano oo 282 kulan soo muuqday, wuxuu sidoo kale 7 kulan u jiraa Juanito oo isna saftay 284 kulan, iyo 24 kulan oo iga dhiman inuu la sinmo Manolo Velázquez oo saftay 301 kulan.

Ku Guuleysiga Abaalmarinta Golden Foot

Ronaldo ayaa ku guuleystay in ka badan 50 abaalmarino shaqsiyeed inta uu ku jiray xili ciyaareedyadiisa oo idil, balse wali kuma guuleysan abaalmarintan. Waxaa abaalmarintan la siiyaa ciyaaryahanka ugu fiican oo haddana ka weyn 29 sano jir. Ronaldo, oo 33 jir noqon doona February sanadkaan, ayaa la soo magacaabay 3 jeer, balse uma suurtogelin inuu ku guuleysto. Qaar ka mid ah magacyada ugu waaweynaa eek u guuleystay abaalmarintan waxaa ka mid ah Casillas (oo 36 hadda jira ), Buffon (38), Etoo (34), Iniesta (30), Drogba (35), Ibrahimovic (31), Giggs (37, Totti (34), Ronaldinho (29), Roberto Carlos (35), Del Piero (33), Ronaldo (30), Shevchenko (29), Nedved (32), iyo Baggio (36).

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close