Coutinho Eedadiis oo ruxday baraha bulshada dhanna u ridday mustaqbalkiisa

GettyImages-821068094

(Liverpool) 02 Jan 2017. Sir ayaa ku fakatay Instagram-ka xilli Philippe Coutinho lagu wado in uu Liverpool ka aado Barcelona.

Xantan ayaa ahayd mid circa isku sharreertay tan iyo markii Nike la jabsaday website-keeda.

Nike oo maalgalisa Barcelona iyo Coutinho ayaa bilowday xayeysiinta funaanada xiddiga toddobaadkan bilowgiisii.

Sidaas oo kale wararka Spain ayaa iyana qabay in heshiisku dhacay.

Mundo Deportivo waxa ay salaasaddii sheegtay in Barcelona ay ka bixineyso xiddigga 150 million euros.

Grande dia!!!!❤️❤️❤️❤️

A post shared by Ines Maria (@inesmnoel) on

Eedadiis oo xaqiijisay in uu ku biiray Barcelona

Ines Maria, Eedada Coutinho waxa ay ruxday baraha bulshada.

Waxa ay markii hore calaamadda ka helidda ‘Like’ saartay qoraal falcelin ah (Comment) oo laga bixiyey Instagram una dhignaa sidan “Liverpool iyo sanadkii hore”.

Intaas waxaa dheer in sawirro (Screenshots) laga qaaday oo lagu soo bandhigay baraha bulshada. Ines Maria waxa ay u muuqatay mid xaqiijisay in heshiiska Barcelona dhacay.

Waxa ay qortay: “Waa in aad daganaan muujisaa, xilli dhaw ayey imaan doontaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close