Shirkii sanadlaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo qabsoomay iyo qodobo muhiim ah oo ka soo baxay+SAWIRRO

(Muqdisho) 31 Dis 2017.Shirkii sanadlaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay Liido Sea Food ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xubnaha xiriirka kubada cagta oo ka kooban 25-ka koox ee u diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta, sadexda urur ee kala ah macalimiinta,garsoorka iyo ururka danaha ciyaartooyda waxaana wehliya  guddiga fullinta xiriirka kubadda cagta.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Gos Mudane Tarabi, waxaana Shirweynaha furay wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Axmed Isloow.

Congress-ka  ayaa lagu soo bandhigay wax yaabihii u qabsoomay xiriirka iyo qorshooyinka sanadka ee 2018-ka.

C/qani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya  ayaa  Shir jaraa’id   uu qabtay waxa uu ugu war bixiyay  qodobadii ka soo baxay Congress-kii  sanadlaha ee maanta qabsoomay.

1: Horyaalka Soomaaliya ayaa waxaa magac ahaan loogu yeeri doonaa Somalia Premier League, waxaana maal gallin doono Premier Panka.

2: Shanta kooxood ee ugu sareeya horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya waxaa loo qaban doonaa tartan is wada arag ah ka soo loogu magac daray Star League, iyadoo kooxdii ku guuleysataa la siin doono lacag dhan shan kun oo doolar.

3: Tartan loogu magac daray National League ayaa  loo qaban doonaa kooxhii soo qaada horyaalada maamul goboleedyada oo intooda badan la hir galiyay.

4:In horyaalka heerka labaad magac ahaan  loogu yeeri doono Division 1.

5: In la qaban doono horyaalka  heerka afaraad.

6: Kooxaha ka  qeyb qaadanaya  Somalia Premier League  waxaa  sidoo kale loo qaban doonaa tartan juunyar ah.

7:In kooxaha laga caawin doono in loo qalabeeyo xafiisyadooda.

Sikastaba waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay 25-ka kooxood ee u diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta iyo sidoo kale sadexda urur ee kala ah macalimiinta,garsoorka iyo ururka danaha ciyaartooyda.

IMG_4833 IMG_4835 IMG_4839 IMG_4846 IMG_4853 IMG_4854 IMG_4856 IMG_4859 IMG_4861 IMG_4865 IMG_4868 IMG_4877 IMG_4879 IMG_4881 IMG_4884 IMG_4888 IMG_4889 IMG_4890 IMG_4896 IMG_4901 IMG_4906 IMG_4908 IMG_4909 IMG_4917 IMG_4921 IMG_4926 IMG_4928 IMG_4929 IMG_4933 IMG_4939

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close