Mourinho oo looga digayo inuu la soo saxiixdo Cristiano Ronaldo (Sabab?)

Image result for Ronaldo Mourinho

(Manchester) 31 Dis 2017 Cristiano Ronaldo ayaa lala xiriirinayaa dib ugu soo laabashada kooxdiisii hore ee Manchester United.

Laacibka reer Portugal ayaan la dhacsanayn sida uu wax u wado madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez kaas oo aqbali la’a ilaa haatan dalabkii uu hordhigay.

Image result for Ronaldo Mourinho

Ronaldo ayaa u gudbiyay madaxda kooxda in kor loo qaado mushaarkiisa oo lala simo mushaarada ay qaataan Messi iyo Neymar.

Manchester Evening News ayaa daaha ka qaaday in Jose Mourinho uu doonayo inuu la soo wareego Ronaldo dhamaadka xiliciyaareed kaan haddii Real ay iska fasaxayso laacibka.

Balse wargayska ayaa uga digay Mourinho in waqtigaan uu lacag badan ku qarash gareeyo Cristiano maadama uu 33 jir noqonayo bisha February ee 2018.

Wargayska ayaa dareensan in Ronaldo uu ku jiro waqtigiisii ugu danbeeyay ee xirfadiisa kubadda cagta, waxayna kula talinayaan Mourinho inuusan la soo saxiixan laacibkii hore ee Man United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close