Macalin soomaaliyeed oo leeliya xul qaran oo kamid ah kuwa waqooyiga Ameeriga oo Gool FM la hadlay,Wariye Baliil ayaa wareestay(DHEGAYSO)+SAWIRRO

(Bridgetown)1,Janaayo,2018,Inta badan dalalka caalamka waxaa ku nool soomaali fara badan oo wax baratay kuwaasi oo ka cararay dagaaladii dalka ka dhacay waxaana ku jira bahda Sportska qaybahooda kale duwan oo shaqooyin ka haya hay,ado iyo xulal caaalmi ah.

Hadaba waxaa jira macalin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ahmed Mohamed Ahmed  oo loo yaqaano (Ahmed Gaab)Waana macalinka xulka qaranka Barbados oo ah wadan dhaca waqooyiga Ameerika isaga oo meel hoose kasoo qaaday waxaana uu kala qayb galay tartamo iyo kulamo kale isaga oo haysta khibrada sare ama shahaada EUFA iyo FIFA ee dhanka tababarka.

Macalin Axmed oo ku dhashay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho February 22, 1980 ayaa waxaa uu soo bilaabay shaqada tababarnimo 1997 isaga oo soo qabtay dhowr kooxood oo yurub ah sida Sweden iyo Swirzerland oo uu dagnaaa waxaana uu sidoo kale soo hogaamiyay xulka Jaziirada US Virgin Islands oo ah qayb kamid ah wadanka maraykanka.

Macalin Ahmed Mohamed Ahmed  oo loo yaqaano (Ahmed Gaab) oo ah  macalinka xulka qaranka Barbados ayaa waxaa uu waraysi dhinacyo badan taabanaya uu siiyay idaacada cayaaraha ee Gool FM isaga oo jooga caasimada Barbados ee Bridgetown waxaana wareestay wariye Abdullahi Hassan Baliil.

HALAKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA

26241603_10156082838653970_527664675_n 26241493_1509694309066350_306082334_n 26241396_1509694215733026_1967553264_n 26234969_1509694322399682_1254551349_n 26234391_10156082838793970_407533679_n 26234238_10156082838663970_334338955_n 26197207_1509694349066346_1603468380_n 26176516_10156082838733970_345022090_n 26176569_10156082838863970_1582318008_n 26176592_10156082839113970_62993417_n 26177305_1509694305733017_1568558514_n 26196897_1509694329066348_1411215618_n 26196911_10156082838658970_391940648_n

 Gool FM

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close