Jurgen Klopp oo ka hadlay dhaawaca Mohamed Salah ee kulankii Leicester City

ليفربول يعلن إصابة محمد صلاح

(Liverpool) 31 Dis 2017 Weerar yahanka reer Masar ee Mohamed Salah ayuu dhaawac ka soo gaaray kulankii uu guusha ku hogaamiyay kooxdiisa xalay.

Salah ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 82-aad isaga oo dhaawac uga baxay garoonka, kadib 2-gool oo uu u dhaliyay kooxdiisa.

Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan garanayn sida uu yahay dhaawaca Salah, balse wuxuu qirtay inuu arkayay isaga uu hitinaya markii uu ka baxayay garoonka.

“Ilaa haatan waxba kama ogi dhaawiciisa, laakiin waa uu hitinayay, taasina ma ahan wax fiican, waxaa haboon inaan runta sheegno” ayuu yiri Jurgen Klopp ciyaarta kadib.

“Waa inaan aragnaa dhibkiisa, waan arki doonaa waxa uu u baahanyahay inuu sameeyo si uu u ciyaaro kulanka soo socda (Burnley)”.

Liverpool ayaa barri maqribkii u martin doonta Burnley, waxaana loo badinayaa in Mohamed uu seego kulankaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close