Guardiola oo ka hadlay dhaawacyada Gabriel Jesus iyo Kevin De Bruyne

(London) 31 Dis 2017 Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay dhaawicii soo gaaray ciyaartoydiisa muhiimka ah.

Laacibka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa laga saaray garoonka isaga oo oynaya qaybtii hore ee ciyaarta, markaas oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Pep Guardiola ayaa sheegay in Gabriel Jesus uu garoomada ka maqnaan doono bil ama laba bil sida uu xaqiijiyay.

Balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo dhaawicii halista ahaa ee soo gaaray Kevin De Bruyne dhamaadkii ciyaarta.

“Gabriel Jesus dhaawac ayaa soo gaaray, waxay u badantahay inuu maqnaan doono bil ama laba bil” ayuu yiri Pep Guardiola.

Mar la waydiiyay inta uu maqnaanayo Kevin De Bruyne wuxuu ku jawaabay: “Ma garanayo, laakiin waa uu roonyahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close